Arbaco-December-13-2023 – Soomaaliya ayaa laga cafiyey balaayiin dollar oo dayn ah oo ay ku lahaayeen waddamo iyo hay’ado maaliyadeed oo caalamka ah sida lagu shaaciyey munaasabad ka socota magaalada New York oo ay ka qeyb galayaan masuuliyiinta IMF, bankiga aduunka iyo dowlada Somalia.
Guddiga maamula Bankiga Adduunka ayaa shalay ansixiyey dayn cafiska Soomaaliya, maantana waxaa qalinka ku duugay hay’adda IMF
Ansixintan axay hoos u dhigi doontaa deynta dibadda qiyaastii 64 boqolkiiba sida ay sheegtay heyadda IMF.