Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka

Isniin-December-11-2023-{HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa ku qabanaysa Xarunta Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyn soo gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka si uu u guddoomiyo Shirkan.

Shirkan waxaa ka soo qeyb-galaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana lagu hadlayaa ajandeyaashan;

1- Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.

2-Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya.

3-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka.

 

WARARKA