spot_imgspot_imgspot_img

Wararkii Ugu Dambeyay AS oo weerar culus ku qaaday xerada ciidanka Uganda ee Buulo-mareer

Isniin-December-11-2023-{HMC}  Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar gaadmo ah oo ay xubno ka tirsan AS  xalay ku qaadeen saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin gudaha magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaal toos ah ayaa xigay weerarka, kaas oo u dhexeeyay AS weerarka soo qaaday iyo ciidamada Uganda ee ku sugnaa halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in dagaal muddo kooban socday uu ka dhacay halkaasi, ayada oo dhawaqa rasaasta laga maqlayay meelo aad u fog fog.

Khasaare kala duwan ayaa sidoo kale lasoo wariyay inuu ka dhashay dagaalka, kaas oo soo kala gaaray labada dhinac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada ATMIS ay iska caabin adag saameeyeen, taas oo keentay in la jebiyo xubnaha As  weerarka kusoo qaaday Buulo-mareer.

As  oo war kasoo saartay weerarkaasi waxa ay shaacisay inay ekeysay xerad ATMIS, isla markaana ay ku dishay askar ka tirsanaa Uganda, sida ay hadalka u dhigtay

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana aagga magaalada haatan howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka ATMIS.

Askarta Uganda ee markaas lagu laayay Buulo-mareer ayaa dhaliyay hadal hayn xoogan, waxaana xittaa ka hadlay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni oo sheegay in askarta la cabsi-geliyay markii ay iska-caabin lahaayeen dagaalyahanda As , taasina mas’uul ka ahaayeen taliyaasha oo dhiira-gelin waayay ciidamada xiliga weerarka bilowday, iyagoo u cararay dhanka degaanka Golweyn, oo ATMIS saldhig kale ku leedahay.

Si kastaba, Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay AS, waxaan badanaa ay ka gaystaan weeraro ay ku qaado saldhigyada ku yaalla gobolkaasi.

WARARKA