Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada ATMIS iyo Shacabka Magaalada Diinsoor oo si wada jir ah u fuliyay olole geedo guris ah

Sabti-December-9-2023-{HMC} Howlgalka ciidamada ATMIS ee ku sugan Saldhiga Diinsoor gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed iyo shacabka deegaankaas oo si wada jir ah u fuliyay olole geedo guris ah oo ay ka sameeyeen garoobka diyaaradaha Dagmadaas.

 

Ololahaan waxaa hor kacayay Taliyaha Ciidamada ATMIS ee Dagmada Diinsoor Gaashanle Sare Birhanu kaas oo sheegay in ay uga gol lahaayeen hagaajinta garoonka Diyaaradaha Magaaladaas oo ay ka so baxeen geedo farabadan ku waas oo wax yeeleyn karo diyaaradaha marka ay isticmaalayaan.

 

Wadashaqeyntan ay sameeyeen shacabka Magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay iyo Ciidamada ATMIS waxaa ay sahleeysaa in diyaaradaha ay si nabad galyo ah ku isticmaalaan garoonka diyaaradaha Magaaladaas.

 

Masuuliyiinta Maamulka iyo shacabka Magaalada Diinsoor ayaa hoosta ka xariiqay in ay sii wadi doonaan wada shaqeynta ay la leeyihiin Ciidamada ATMIS ee ku sugan Magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay.

WARARKA