Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

jimco December-8-2023-{HMC}  Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray degmada dekadda leh ee Hobyo Gobolka Mudug.

Wafdiga madaxweyne Qoor Qoor hoggaaminayay ayaa ka kooban xildhibaannada labada aqal ee BFS lagana soo doorto Galmudug, mudanayaal ka tirsan labada gole ee dowladda Galmudug, ganacsato iyo siyaasiyiin iyo qaybaha kale ee bulshada.

Ujeedka safarka madaxweynaha iyo wafidigiisa ayaa ah dhammeystirka dadaallo muddooyinkii dambe uu waday hoggaanka sare ee Galmudug ee ku aaddanaa ballaarinta iyo dib u casriyeynta Dekadda Hobyo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA