Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Macwisleeydii Ugu Badneed ee Loo diyaariyay Dagaalka ka dhanka ah AS oo Lagu so Bandhigay Gobolka Hiiraan.

Talado-December-5-2023-{HMC} Macwisleeydii Ugu Badneed ee Loo diyaariyay Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ayaa Maanta Lagu so Bandhigay Duleedka Dagmada Halgan ee Gobolka hiiraan.

 

Cali Jeyte Cismaan oo ah Ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha ciidanka difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macawiisleeyda ayaa maanta fagaare ku yaala duuleedka degmada Halgan ee gobolka Hiiraan kula hadlay boqolaal ciidamo cusub oo Macawiisleey ah kuwaas oo ka qeyb qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

 

Hoggaamiyaha ciidanka difaaca dadweynaha Jeyte Cismaan ayaa ciidamadaan cusub kula dardaarmay iney u midoobaan dagaalka dalka looga ciribtiraayo Ururka Al-shabaab ee haatan markale ka bilawday gobolka Hiiraan.

 

Maalin ka hor ayay aheyd markii ciidanka xoogga dalka oo kaashanayay kuwa dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen tuulada Helo Bacaad oo hoostagta degmada Halgan howlgal lagu dilay in ka badan 60 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab sida ay sheegtay Dowladda Soomaaliya.

WARARKA