Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Soomaaliya iyo QM oo kawada Hadlay hannaanka deyn cafinta iyo gurmadka arrimaha fatahaadaha

Talado-December-5-2023-{HMC}  Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. George Conway, oo sidoo kale ah uqeybsamaha isku-duwidda howlaha bani’aadannimo ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray laba qodob oo kala ah taageerada hannaanka deyn cafinta kadib iyo gurmadka arrimaha fatahaadaha oo sanadkaan saameyn xoogan ku yeeshada bulshada gobollada qaar ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa dhawaan baarlamaanka ka hor sheegay in labada toddobaad ee ugu horeeya bisha December gudahood ay dhamaan doonto deyn cafinta Soomaaliya.

“Bisha December asbuuca ugu horreeya cuna-qabateynta hubka ayaa dhamaanaya Insha Allah. Bisha December 13-keeda deyn cafinta ayaa iyadna dhamaan doonta haddii Alle yiraahdo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Soomaaliya ayaa buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa hanaanka deyn-cafinta, ayada oo arrintaas ay dadaal badan ku bixiyeen xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka.

Si kastaba, Deyn cafinta kadib dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa waxa laga rabaa inay isku filnaato, si taas loo gaarana waa in musuq-maasuqa laga adkaado, maamullada lagu qanciyo in canshuurta la mideeyo, islamarkaana la abuuro jawi nabadeed oo maalgashi keeni kara, kheyraadkana laga faa’iideysto oo suuq loo raadiyo.

WARARKA