Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxaa ka jira in Israaiil ay halis u gashay in uu ku qarxo Hubka Wax gumaada ee Nukliyeerka?

Talado-December-5-2023-{HMC}  Saacadihii lasoo dhaafay waxaa soo shaac-baxay sheeko in ka badan Bil la duugay oo ah in Gantaallada Xamaas ay ku garaacday mid kamid ah Saldhigyada Ciidanka Israaiil uu ku dhacay meel ku dhaw goob lagu ilaalinayay hubka halista badan ee Nukliyeerka.

Arrintaan oo laga soo xigtay Wargeyska Mareykanka laga leeyahay ee New York Times waxa uu ku muujiyay sida ay Israaiil ugu dhowaatay in guud ahaan ay ku baaba’do hubkaas ay keydsatay balse gantaalka uu ku dhacay meel u dhaw halka uu yaallay.

Wargeyska ayaa shaaciyay in uu xogtaan ka helay ilo uu qariyay waxaana uu tilmaamay in haatan loo badinayo in goobtaas laga qaaday gantaalka Nukliyeerka maadaama Mareykanka uu geeyay markabka nooca xambaara hubkaas.

Dhanka kale waxa ay arrintaan bannaanka soo dhigtay dood muddo dheer ay duugeysay Israaiil oo ahayd in ay heysato hubka wax gumaada ee Nukliyeerka balse ugu dambeyn Wargeyskaan laga leeyahay Mareykanka uu sirtaan soo bixiyay.

Xamaas ayaa gantaallo culus ku beegsatay dhinaca Magaalooyin badan oo ay xoog ku heystaan Ciidanka Israaiil waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac & burbur xooggan, halka dagaal toos ah ay jilbaha u dhigeen Magaalada Gaza.

Khubarrada dhinaca Militariga ayaa sheegaya in Ciidanka Israaiil khasaara xooggan uu kasoo gaaray dagaalka lugta ah oo ay si toos ah u galeen 27dii Oktoobar 2023 waxaana intaas u sii dheer weerarkii wadnaha jaray ee Xamaas ku qaaday 7dii Oktoobar 2023.

WARARKA