Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Israaiil oo shaacisay Magacyada saraakiil looga dilay dagaalka Gaza.

Axad December 3- 2023{HMC} War kasoo baxay Militariga Israaiil ayaa lagu sheegay in labo sarkaal ay dhinteen saacadihii u dambeeyay iyaga oo ehelkooda ku wargeliyay geeridooda sida muddooyinkii dambe uu sameynayay taliskaas si ay u ogaadaan arrintaas murugada leh.

Magacyada labada Sarkaal waxaa lagu kala sheegay Sgt Aschalwu Sama iyo Sgt Brandes waxaana ay qayb ka ahaayeen howlgallada Dhulka ah ee Yuhuudda ay Gaza ka billowday wixii ka dambeeyay 27kii Oktoobar 2023 oo khasaara xooggan ku gaaray.

Sida uu daabacay Wargeyska The Times of Israel, Aschalwu Sama waxa uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray dagaal ka dhacay Magaalada Gaza 14kii Nofeembar 2023 tan iyo xilligaas waa lala tacaalayay si looga daweeyo dhaawaca culus ee soo gaaray sida uu yiri.

Brandes waxa uu naftiisa ku waayay dagaal Maalintii sabtidii ka dhacay Magaalada Gaza waxaana sidaas ay Yuhuuddu ku weysay labo sarkaal inkasta oo Warbaahinta qaar khasaaraha uu intaas kasii badinayo.

Israaiil waxaa dagaalka Gaza ay ku gashay kusoo gaaray khasaarihii ugu xoogganaa ee waayahaan ay la kulanto, waxaa la gubay Taangiyadii iyo Gaadiidkii kale lacagaha badan ay kasoo bixisay oo ay ku faaneysay in aanay Karin hubka Xamaas heysato.

Waxaa intaas usii dheer in ay ku guuldareysatay soo furashada Maxaabiista ciidanka iyo shacabka isugu jira iyada oo saacadihii lasoo dhaafay duqeyn arxan-darro ah ku garaaceysay Xaafadaha Magaalada Gaza ee Dhulka Falastiin.

WARARKA