Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaale oo soo arkay bur burka Laami muhiim u ah isku socodka reer Muqdisho

Arbaco November 29 2023 {HMC} Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo masuuliyiin kale ayaa xalay kormeer ku tagay wadada dheer ee isku xerta isgoosyada Dabka iyo Bakaaraha oo waxyeelo xoogan ay kasoo gaartay Roobabkii El-Nino ee ka da’ay Muqdisho.

Guddoomiyeyaasha Hodan iyo Howlwadaag ayaa halkaasi warbixin ku siiyay guddoomiye Madaale, xilli ay ku guda jireen dadaalo lagu hagaajinayo wadadaasi, si xal loogu helo bur-burka soo gaaray, iyagoona sheegay in dhawwaan lasoo gaba-gabeyn doonno qorshaha dib-u-dhis ee wadadaasi.

Duqa Muqdisho ayaa kula dar-daarmay maamulada degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag in ay juhdi fara badan geliyaan dadaalada socda ee xalka loogu raadinaayo sidii dib loogu dhisi lahaa wadadaasi, isla markaana isku socodka gaadiidka iyo bulshada uu si caadi ah ugu soo noqon lahaa.

Roobabka El-Nino ee ka da’ay guud ahaan dalka ayaa sababay qasaaro isugu jira barakac, bur-bur iyo aafooyin kale oo saameyn ku yeeshay nolosha iyo kaabayaasha isku-socodka dalka, iyadoona guud ahaan DFS, maamul goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ay dadaal ugu jiraan sidii loo maareyn lahaa saameynta ka dhalatay roobabka El-Nino.

WARARKA