Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Tirada dhimashada fatahaadda Kenya oo gaartay 120 qof

Arbaco November 29 2023 {HMC} Dowladda Kenya ayaa Talaadadii sheegtay in daadad xooggan oo ka dhashay cimilada ee El Niño ay ku dhinteen 120 oo qof gudaha Kenya, halka ku dhawaad 90,000 oo qoy ay ka barakaceen guryahoodii.

Qiyaastii ugu dambeysay ee dhimashada Kenya ayaa laba jibaartay, iyadoo roobab mahiigaan ah oo da’ay kadib abaartii ugu darneyd ee soo marta afartankii sano ee lasoo dhaafay ay qarqiyeen magaalooyin iyo tuulooyin badan.

Kumannaan guri ayay waxyeello soo gaartay, dhul-beereedka ayaa biyuhu fariisteen, halka tobanaan kun oo xoolo ah ay qaraqmeen, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka.

Dalka deriska la ah Soomaaliya, fatahaadaha ayaa dilay ugu yaraan 96 qof, waxaana ku barakacay 700,000, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan maareynta musiibooyinka.

Afar gobol oo ku yaalla bariga Kenya ee Tana River, Garissa, Wajeer iyo Mandheera ayaa ah kuwa ugu daran ee ay waxyeelladu soo gaartay, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Raymond Omollo.

Waaxda saadaasha hawada ee Kenya ayaa saadaalisay in roobab mahiigaanka ah ay sii socon doonaan ilaa Janaayo 2024.

Reuters+ VOA

WARARKA