Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Taliska Booliiska Soomaaliya oo amray soo saaray in laga guuro dhul kuyaalla magaalada Muqdisho

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC} Taliska Ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa ku amray dhammaan, dadka dagan dhulkii dab-damiska iyo hoggaanka dhismaha ciidanka booliiska ee degmada Wadajir, ka soo horjeedka dhismaha 6-piano una dhaxeysa siliga Mareykanka iyo Isbitaal Banaadir
Booliiska ayaana ku wargaliyay dadka shacabka ah ee degan dhulkaasi in ay ku banneeyaan muddo labo bilood gudaheeda oo bilaabaneysa maanta oo ah 25-ka November 2023 kuna eg 25 January 2024
Qoraalka kasoo baxay taliska booliiska ayaa lagu sheegay in xarumahan dowladda ee dadka laga saarayo lagu qabanayo adeegyadii danta guud ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayeen oo baahi weyn loo qabo xilign , sida booliiska tilmaameen

WARARKA