Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamada RSF oo dagaal kula wreegay saldhig ciidan oo Horleh

Arbaco Nofembar 22, 2023 {HMC}  Ciidamada RSF ee Sudan ayaa sheegay in ay qabsadeen saldhig ciidan oo afaraad oo ku yaala Darfur, halkaas uu ka dhacay mid kamid ah dagaalladii ugu adkaa ee ka dhaca qeybo kamid ah dalka Sudan.

RSF waxa ay sheegtay in ay la wareegeen saldhigii ku yaalay magaalada El Daein ee xarunta gobolka Darfur, halkaasi oo ay ka qaxeen dad badan oo deganaa maalmihii lasoo dhaafay rabshado ka dhacay halkaasi awgeed.

Ciidamada milatariga Suudaan ayaa horay u lumiyay gacan ku haynta saldhigyada Koonfur, Galbeedka, iyo Bartamaha Darfur, waxaana halkaasi awoodooda kusii xoogeesaneysaa ciidamada RSF..

RSF ayaa lagu eedeeyay dilal isir ku salaysan oo ka dhacay gobolka Darfur. In ka badan shan milyan oo qof ayaa barokacay tan iyo markii ay colaaddu ka dillaacday Suudaan bishii April ee la soo dhaafay.

Waxaa jira calaamado muujinaya in nabadgelyo-xumadu ay sii fidayso iyada oo rabshadihii u dambeeyay ay sidoo kale ka dhaceen deegaanka saliidda hodanka ku ah ee Abyei oo u dhow xudduudda Koonfurta Suudaan.

WARARKA