Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Baarlamaanka Koofur Afrika oo u codeeyay in la xiro safaaradda Israa’iil

Arbaco Nofembar 22, 2023 {HMC}  Xildhibaannada waddanka Koonfur Afrika ayaa Talaadadii u codeeyay in la xiro safaaradda Israa’iil ee Pretoria, lana joojiyo dhammaan xiriirkii diblamaasiyadeed ilaa laga gaarayo xabbad-joojin dagaal Gaza.

Qaraarkan ayaa ah mid inta badan fulintiisu ay hortaal xukuumadda Madaxweyne Cyril Ramaphosa; iyada oo afhayeen u hadlay madaxtooyada uu sheegay in Ramaphosa “uu xusay inuu qaddariyo” qaraarka baarlamaanka ee ku aaddan xiriirka diblomaasiyadeed ee Koonfur Afrika iyo Israa’iil, gaar ahaan maqaamka safaaradda.

“Madaxwaynaha iyo golaha wasiiradu waxay ku hawlan yihiin arrintan, taas oo weli ah fulinta mas’uuliyadda qaranka,” ayuu yiri Vincent Magwenya.

Ramaphosa iyo saraakiisha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa si bareer ah u dhaleeceeyay hoggaanka Israa’iil intii uu socday dagaalka Marinka Gaza, iyaga oo ugu baaqay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada inay baaritaan ku sameyso dambiyada dagaal ee suurtagalka ah.

Safaaradda Israa’iil markiiba kama jawaabin codsi ahaa inay ka hadasho arrintan.

Isniintii, safiirka Israa’iil ee Pretoria ayaa looga yeeray Tel Aviv si uu wadatashi ula yeesho dowladdisa kahor codbixintan, taasoo Talaadadii lagu ansixiyay codadka 248 xildhibaan, halka 91 xildhibaan ay diideen qaraarkan.

Isha: VOA SOMALI

WARARKA