Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dagaal u dhexeeya SSC iyo Somaliland oo dib uga qarxay Gobalka SOOL

Arbaco Nofembar 22, 2023 {HMC}  Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatuma oo ka socda dhanka galbeed magaalada Laascaanood ee xarunta gobola Sool.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu si gaar ah uga socda aagga deegaanka Buqdharkayn oo dhawaan ay ku dagaalameen ciidamada labada dhinac, waxaana dhawaqa rasaasta ay isweydaarsanayaan labada dhinac laga maqlayaa meelo fog fog.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegeen in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada Somaliland oo dhowr jiho kasoo weeraray ciidamada deegaanka SSC oo horay ugala wareegay deegaankaasi, kadib dagaallo qaraar oo ka dhacay halkaasi.

Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo maalmihii u dambeeyay ay daganeyd xaaladda Laascaanood, inkastoo ay labada dhinac is uruursi ciidan ay ka wadeen Sool.

WARARKA