Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

RW Xamsa oo tilmaamay in Xukuumaddiisa ay ahmiyad gaar ah siinayso tayeynta Macalimiinta

Talado Nofembar 21, 2023 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hamblayeeyey 21 Nofeembar Maalinta Macalinka Soomaaliyeed iyaga iyo qoysaskooda, isagoo tilmaamay in Macalimiinta Soomaaliyeed ay u soo dhabar adaygeen xaalado adag oo ay ku badbaadiyeen jiilal dhan oo iyaga la’aantood maanta aan waxba baran lahayn.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay ahmiyad gaar ah siinayso tayeynta Macalimiinta iyo Aqoonta Ubadka Soomaaliyeed, xilli ay Xukuumadda ay qaadatay saddex kun oo macalimiin cusub ah.

Macallinmiinta ay qaadatay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilligaan waxa ka hawlgalaan guud ahaan gobodallada dalka, iyadoo sannadka cusub ee 2024ka ay diyaarisay miisaaniyadda saddex kun oo macalin oo kale.

Magaalada Muqdisho & Magaalooyinka xarumaha u ah Dowlad-Goboleedyada hoostaga Dowladda Federaalka waxaa maanta ka dhacaya Munaasabad lagu maamuusayo maalinta ‘Macallinka Soomaaliyeed’ oo sanad weliba la maamuuso 21ka Nofeembar.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu faray Goobaha Waxbarashada ee Dowladda hoostaga & kuwa gaarka ah maanta la fasaxo.

Sanad waliba maanta oo kale ayaa guud ahaan dalka waxaa laga xusaa maalinta Macallinka Soomaaliyeed, iyada oo munaasabaddaan looga shakeeyo kaalinta uu macallinka ku leeyahay bulshada iyo waxbarista ubadka Soomaaliyeed.

WARARKA