Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Isbitaalkii ugu horreeyay tan iyo markii dagaalku billowday oo laga dhisay Magaalada Qaza

Talaado November 21, 2023 {HMC}  Qalab lagu dhisayo isbitaalkii ugu horreeyay ee Qaza tan iyo markii uu dagaalku billowday ayaa soo gaaray dhulka, mas’uuliyiinta Falastiin ayaa sidaas sheegay.

 

Isbitaalka ku meel gaadhka ah ee ay soo dirtay Urdun ayaa lagu wadaa in laga dhiso magaalada Khan Younis si loogu qaabilo dadka dhaawaca ah iyo kuwa buka, sida uu sheegay Mohammed Zaqout, oo ah agaasimaha guud ee isbitaalada ay maamusho Xamaas ee Qaza.

 

Urdun waxa ay ka shaqaynaysay isbitaal kale oo ku yaalay Qaza tan iyo 2009-kii, waxaanay u dirtay gargaar caafimaad dhawr jeer tan iyo markii ay billowdeen duqeymaha cirka ah ee lagu hayo dadka reer Falastiin.

WARARKA