Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Dab xooggan oo ka kacay suuqa degmada Xamarweyne

Jimco November 17, 2023 {HMC}  Dab xooggan ayaa goordhaw ka kacay suuqa weyn ee degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, waxaana socda dedaalo la doonayo in debka ka kacay suuqa lagu damiyo.

 

Gaadiidka dab-damiska iyo ciidamada ammaanka ayaa gaaray suuqa dabka ka kacay , waxaana sidoo kale daminta dabka gacan weyn ka geesanaya dadka deegaanka iyo ganacsatada.

 

Dabka ayaa markii hore ka kacay suuqa qeybta Masjidka Marwaaz, waxaa uuna ku fiday meelo ka mid ah Suuqa sida Dahablaha iyo kawaanka Hilibka lagu iibiyo.

 

Goobta uu Dabka ka kacay Ciidamada ammaanka ayaa xaqiijinaya ammaanka suuqa Xamarweyne, si aysan kooxo burcad ah boob iyo dhac uga geysan.

WARARKA