Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Cunaqabateyn Lagu soo rogaayo shakhsiyaadka taagera Ururka Xamaas’

Talaado November 14, 2023 {HMC} Antony Blinken oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda Wadanka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka oo kaashanaya UK ay cunaqabateyn kusoo rogayaan shakhsiyaadka iyo hay’daha taageera Xamaas iyo ururka Islamic Jihad ee Falastiin, sida uu ku sheegay qoraal uu Talaadada maanta ah soo dhigay bartiida X oo hore u aheyd Twitter.

 

“Dowladda Mareykanka oo kaashanaya Boqortooyada dalka Ingiriiska ayaa cunaqabateyn ku soo rogaya shaqsiyaadka iyo hay’adaha taageera Xamaas iyo kooxaha argagixisada ah ee Islamic Jihad ee Falastiin. ayuu yiri Blinken.

 

“Waxaan sii wadeynaa la shaqeynta saaxiibadeenna iyo xulafadeenna si aan u carqaladeyno waddooyinkan maalgelinta argagixisada.” ayuu Blinekn ku yiri qoraalkiisa.

 

Dowladda Mareykanka ayaa kooxda Xamaas ee Dagaalka kula jirto israail u aqoonsan ‘urur argagixiso ah’.

WARARKA