Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xaalad quus ah oo ka taagan xaruunta caafimaad ee Qasa ugu weyn

Isniin Nofembar 13, 2023 {HMC}  Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay xaalad halis ah oo ka jirta xarunta ugu weyn ee caafimaadka Qasa ee Al-Shifa oo ay ka jirto koronto la’aan, cunto yari iyo biyo la’aan ba’an.

Madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in “rasaasta joogtada ah iyo qaraxyada” ee ka dhacaya agagaarka isbitaalka ay “sii xumeeyeen xaaladihii hore ee halista ahaa” iyo in Al-Shifa “uusan hadda u shaqeyn sidii isbitaal oo kale”.

Milateriga Israa’iil ayaa ku celiyay inay “diyaar u yihiin inay gacan ka gaystaan” daad-gureynta tobannaanka dhallaanka ah ee nugul ee lagu xanaaneeyo xaruuntan, lana geeyo isbitaal kale.

Madaxa qaliinka ee Al-Shifa, Dr Marwan Abu Sacda, ayaa BBC-da u sheegay in ilmihii saddexaad ee dhawaan dhashay uu u dhintay maadaama aan la hayn adeegyadii ay ahayd in carruurtu ay helaan marka ay dhashaan.

WARARKA