Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wabiga Shabeelle oo ku fatahay xaafado hor leh oo ku yaala Baledweyne

Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saacadahii lasoo dhaafay ku fatahay xaafado hor leh oo ku yaala Baledweyne.

Xaafadaha uu Xalay ilaa saakay wabigu ku fatahay ayaa ah qeybo ka mid ah xaafadaha Bundaweyn iyo Howlwadaag, kadib markii u wabiga Xalay saqdii dhexe karkaarada uu jabsaday.

Xaafadahaan ayaa dadkii dagana intooda badan ay horay uga barakaceen dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, hayeshee waxaa jiray dad kooban oo ku harsana xaafadaha oo Xalay habeen barkii biyaha guryaha ugu galeen.

Duhurninadii Shalay ayay aheyd markii uu wabiga ku fatahay qeybo ka mid ah xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako

Ma jirto ilaa hadda wax khasaare nafeed ah oo ay geysteen fatahaada ku dhufatay inta badan xaafadaha Baledweyne.

Biyaha kasoo baxay Wabiga Shabeelle ayaa saakay kala jaray gabi ahaanba isku socodkii caadiga ahaa wadada laamiga ah ee isku xirta gudaha Baledweyne iyo xaafada loo barakacay ee Ceeljaalle.

WARARKA