Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maamulka Degmada Baladweyne oo Amaro Cusub kusoo Rogay Gaadiidleyda Magaalada.

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Maamulka degmada Degmada Baladweyne ayaa Amaro Cusub kusoo rogay gaadiidleeyda kala duwan ee Magaalada, kuwaas oo isticmaalo Buundooyinka ku dhax yaalla degmada Baladweyne, madaama biyo aad u farabadan oo keenay wabiga Shabeelle.

Gudoomiyaha degmada Baladweyne Cumar Cismaan Calasoow oo wareeysi gaar ah siiyay Warbaahinta Hiiraanweyn ayaa sheegay in laamaha Amaanka Magaalada faray in si deg deg ah loo Joojiyo dhamaan gaadiidkii isticmalayay Buundooyinkan, madam Qatar badan xiligan ay jirto.

Gudoomiye Calasoow ayaa sheegay in xiligan buundooyinka qaar ay ku jiraan xaalado Qatar ah oo qaarkood biyaha ay dul mari haayan, sidaasi darted Cabsi xoogan ay jirto in ay go’aan hadii gaadiidka Culus ay isticmaalan, sidaasna lagu joojiyay isticmaalka Buundooyinkan.

Baladweyne waxaa ku fatahay 24 saac ee ugu dambeeyay Wabiga shabeelle, waxaana inta badan galeeyn xaafadaha Magaalada, Sidoo kale waxaa xirmay wadada laamiga ah ee isku xirta Magaalada iyo dadkii ka barakacay fatahaada wabiga shabeelle.

WARARKA