Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab oo nolosha lagu qabtay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay ciidamada difaaca deegaanka ka sameeyeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka ayaa la sheegay in ciidanka difaaca deegaanka ay ku qabteen horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab, islamarkaana ay ku dileen mid kale.

Horjoogaha nolosha lagu qabtay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabaas Garoobshe, halka mid ka kale ee howlgalka lagu dilay magaciisa lagu soo koobay Ilkacase.

“Ciidanka deegaanka ayaa nafta dhaafiyey dhagar qabe magaciisa lagu soo gaabshay Ilkacase, kaas oo in badan bulshada ay ku sheegayn in uu ahaa shaqsi aad dhibaato ugu gaysan jiray shacabka” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Warfaafinta Soomaaliya.

Ciidanka deegaanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay gaari nuuciisu ay Soomaalida u taqaan Leyla Calaawi oo ay adeegsanayeen xubnaha Shabaabka ee hawlgalka lagu qabtay laguna dilay.

Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo gobolka Galgaduud ay wali ka socdaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

WARARKA