Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wabiga Shabeelle oo bilaabay inuu ku fataho xaafado ka tirsan Baledweyne

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} Wabiga Shabeelle ee dhexmara xaafadaha magaalada Baledweyne ayaa bilaabay inuu karkaarada ku jabsado qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Baledweyne.

Qeybo ka mid ah xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako ayuu duhurnimadii maanta ku fatahay wabiga, gaar ahaan laamaha Raadeerka, Kutiimbo, dhagaxjibis iyo Shaah macaan.

Xaafadaha uu maanta ku fatahay wabiga Shabeelle ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa ka jiray barakac xoogan oo ay sameynayeen dadka ku nool xaafadahaas, kuwaas oo ka cabsi qabay fatahaada uu maanta ugu dambeyn sameeyay wabiga.

Waxaa sidoo kale cabsi aad xoogan laga qaba inuu wabiga saacadaha soo socda ku fataho qeybo ka mid ah xaafadaha Bundaweyn iyo Howlwadaag.

Fatahaada uu haatan bilaabay wabiga ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo inta badan dadkii daganaa xaafadaha Baledweyne maalmahii lasoo dhaafay ay si weyn uga barakaceen gurayahooda, kuwaas oo u barakacay intooda badan Xaafada Ceeljaalle ee dhacda duuleedka Baledweyne.

WARARKA