Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Muxuu shalay Qaza ka yiri Madaxweynaha Jabuuti shirkii Riyaad?

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC}  Madaxweynaha dalka jabuuti Ismaciil Cumar Geele ayaa ka hadlay xalaada Qaza isaga oo ka qeybgalaya shirka madaxda afrika iyo Sacudi Carabiya.

Madaxweyne geele ayaa yiri: “maarinka Qaza waxa ka jirta xaalaad adag oo ay wajaahayaan dadka reer Falastiin, in ka badan 2.5 milyaan oo qof ayaa lagu qaasbay in laga baara kiciyo dhulkoodi iyo guryahoodii kadib marki loo adeegsaday weraaro dhanka cirka ah oo aan loo meel dayin”.

Madaxweyne geelle ayaa sheegay in lagu tuntay xuquuqdii dadka reer Falastiin “sido kale waxaa meel looga dhacay haquuqda bili’adaantinimada, waxaa laga jaray dadka shacabka ah cuntaadi iyo biyihi iyo dawoyinka sido kale waxa la gooyay isgaarsintii iyo dhamaan adeegyadi muhiimka ahaa” ayuu yiri.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in Afrika ahaan ay masuuliyad gooni ahi ka saaran tahay dadka reer Falastiin, isaga oo ku nuuxnuuxsaday sida loogu baahan yahay in jawaab adag alag bixiyo arrinkan.

WARARKA