Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wararkii u dambeeyay iyo hadallada hogaamiyeyaasha Islaamka iyo Carabta ee Sucuudiga ku kulansan

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC}  Dhowr hogaamiye ayaa hadda ka hadlay shirka wadajirka ah ee Jaamacadda Carabta iyo Ururka OIC ee ka dhacaya caasimadda Sacuudiga.

Hoos waxaan kosoo koobaynaa wixii illaa hadda la sheegay:

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa sheegay in “siyaasadaha ciqaabta wadajirka ah” ee Qaza ay yihiin wax aan la aqbali karin oo “aan lagu qeexi karin is-difaac ama sheegashooyinka kale”.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in ay tahay in la qabto shir caalami ah oo nabadeed si xal waara loo gaaro oo u dhexeeya Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta.

Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa ugu baaqay Mareykanka inuu ku cadaadiyo Israa’iil inay joojiso weerarrada ay ku hayso Qaza. Wuxuu sheegay in Falastiiniyiinta ay wajahayaan “dagaal xasuuq ah oo aan la qiyaasi karin”.

Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo howlgallada militari, lana sii daayo maxaabiista.

ISHA BBC

WARARKA