Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wabiga Shabeelle oo Bilaabay in Baladweyne uu ku fataho iyo Maamulka oo digniin Cusub soo saaray

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} Wabiga Shabeelle ayaa ka bilaabay Xaafada Magaalada Baladweyne 24kii saac ee ugu dambeeyay in uu karkaarada Jabsado madaama uu keenay biyo aad u farabadan oo ka yimid dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Meelaha uu wabiga karkaarada ka jabsaday waxaa Kamid ah, Deegaanka hoodleey, Beerta reer muudaalle, Kaliga dhaxjabis iyo Hiliada Bilis-diid oo dhamaantooda Baladweyne iyo deegaanada kale ee hoos-yimaado ah.

Baladweyne waxaa soo gaaray Biyahii guurtida aha ee Mudooyinkii dambo aad dadka reer Baladweyne looga digayay waana sababta keentay in uu wabiga karkaarada Jabsado 24 saac uu ugu dambeeyay.

Cabdullaahi qoofiyoow oo kamid ah dadka isxilqaamka ku waday dadaalada wax looga qabanayo Fatahaada ayaa sheegay in xalay biyo badan uu keenay wabiga shabeelle kaasi oo ugu dambeeyn goobahii laga shaqeeynayay xalay biyaha kasoo baxeeyn.
Cabdullaahi oo kamid ah gudiga Fatahaada Gobolka Hiiraan ayaa dadka reer Baladweyne ugu baaqay inta magalaada ku hartay in ay taxadir dheeraad ah muujiyaan madaama biyahii ay soo galeeyn xaafado kamid ah Magaalada.

Maamulka Dowlada Hoose ee Baladweyne ayaa sheegay in dhaman Cabiradii loogu tala-galay wabiga Shabeelle ay buuxsameeyn oo xadkii loogu tala-galay uu dhaafo, hada waxii ka dambeeyane la sugayo in wabiga uu karkaarada Jabsado.

Duqa Magaalada Baladweyne ayaa sheegtay in dadka reer Hiiraan sanadkan ay qaateeyn wacyigalinadii Faraha badnaa ee lasiiyay, taasi oo sababtay in biyaha oo Magaalada soo gaarin dadka ay barakceeyn intooda badan.

WARARKA