Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xisbullah oo sheegtay in dhwor ka mid ah dagaalyahanadeeda la dilay

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} — Ururka Xisbullah ayaa sheegay in todobo ka mid ah dagaalyahanadooda ay ku dhinteen rasaas ay ridayeen ciidamada Israel rabshadihii ugu dambeeyay ee u dhaxeeyay maleeshiyaadka awooda badan ee fadhigeedu yahay Lubnaan iyo ciidamada Israel. Hezbollah ma aysan sheegin halka lagu dilay xubnahooda – waxay ka howlgalaan Lubnaan iyo Israa’iil.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadoodu ay talaabo qaadeen ka dib markii gantaalka lidka taangiga ah laga soo riday Lubnaan oo lala beegsaday mid ka mid ah fariisimaha ciidamada Israa’iil, balse ma cadda in dhacdadani ay xiriir la leedahay dhimashada askrataas.

WARARKA