Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Sudan: 700 oo qof oo lagu dilay dagaal socday laba maalmood

Jimco Nofembar 10, 2023 {HMC} —  Hay’adda Socdaalka Caalamiga ah ee IOM ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ilaa 700 oo qof lagu dilay Galbeedka gobolka Darfur, kadib uu iska horimaad magaalada El Geneina ku dhexmaray ciidamada Sudan iyo xoogaga dagaalka kula jira ee RSF.

 

Dagaalkan ayaa dhacay afartii iyo shantii bishan November, sida ay sheegtay IOM.

 

Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa intaas ku daray Khamiistii in 100 qof oo kale ku dhaawacmeen dagaalkan, halka 300 oo kalena lagu la’yahay.

XIGASHO AFP, Reuters, AP, AND VOA SOMALI.

WARARKA