Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Muxuu yahay Mowqifka Turkiga ee ururka Xamaas?

Arbacoo Nofembar 08, 2023 {HMC} ANKARA —  Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa taageero xooggan u muujiyay Ururka Xamaas iyo dagaalka uu kula jiro Israel, isagoo Xamaas ugu yeeray dhaqdhaqaaq xorriyad doon ah.

 

Dadka arrimahan ka faalooda ayaase qaba in Turkiga uu weli yahay dariiq muhim ah shidaalka iyo Tamarta Isreal.

 

Sida ay qabaan dadka arrimaha Turkiga odorosa, Faraqa u dhaxeeya hadalada kulkul ee afka laga yirahdo iyo Ficilka waa qeyb ka mid ah doorka diplomaasiyadeed ee ay Ankara ku dooneyso inay ka qaadato colaadda Qaza.

WARARKA