Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ku Dhawaad 40 Werar oo lagu qaaday Saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq iyo Suuriya

Talado Nofembar 07, 2023 {HMC}  Saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq iyo Suuriya ayaa la weeraray 38 jeer tan iyo markii mowjadaha weerarradu ay bilowdeen 17-kii October, sida lagu sheegay bayaan kooban oo ka soo baxay Pentagon-ka horaantii Talaadada.

Inta badan kuwan ayaa ahaa weerarro gantaallo ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxaana la rumeysan yahay in ay fuliyeen kooxo xiriir la leh Iran, sida uu sheegay afhayeenka Pentagon-ka Brig General Pat Ryder. Iran waxay taageertaa Xamaas-ta Qaza iyo ururka Xisbullah ee Lubnaan ka dhisan.

Ugu yaraan 45 askari oo Maraykan ah ayaa ku dhaawacmay weerarradaas, oo ay ku jiraan 24 ka mid ah kuwaas oo la sheegay in ay soo gaadheen dhaawacyo maskaxeed oo argagaxa ka dhashay.

Maraykanku hadda wuxuu leeyahay afar yool oo waaweyn oo Bariga Dhexe ah, ayuu Ryder ku daray.

Waxayna tahay: in la ilaaliyo ciidamada Maraykanka iyo dadka rayidka ah ee gobolka; siinta “caawin amni oo muhiim ah” difaaca Israel ee ka dhanka ah Xamaas, caawin Israa’iil si loo sii daayo la haystayaasha, oo ay xoojiso “mawqifkeeda awoodda” ee gobolka si looga hortago in colaaddu ay ka sii darto Qaza.

 

WARARKA