Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

RW Ku-xigeenka Xukuumadda oo maanta kulan deg deg ah la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed.

Isniin, November-6- 2023-{HMC}  Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kulan deg deg ah la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa ahaa mid looga jawaabayo dhibaatooyinka ay sababeen roobabka dayrta ee ka da’aya qaar kamid ah gobollada dalka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee ay sababeen roobabka, waxaana ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyey ku dhintay daadadka iyo fataahadaha ka da’ay qaar kamid ah gobollada dalka, dadka gaaraya 25 ruux, iyada oo ay saameyn ku yeesheen 717, 825 kun oo qof.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in xaaladdu ay ka sii dari karto, maadaama ay soo wajahan yihiin roobab iyo daadad cusub sida ay tilmaameyso saadaasha iyo digniinaha soo baxaya.

Mudane Saalax ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo xeelad walba oo gurmad loogu fidin karo meelaha ay go’doomiyeen daadadka iyo fatahaadaha is wata .

Ganacsatada Soomaaliyeed ee kulanka ka qeyb-galay ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin gurmadka walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay fataahadda iyo daadka ay sababeen roobabkii dayrta ee ka da’aya dalka.

Meelaha ugu daran ee ay saameeyeen daadadka iyo fataahada, ayaa waxaa kamid ah Gobollada kala ah; Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Bay, Bakool, Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.

Si kastaba, kulankaan ayaa imanaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay shalay ku dhawaaqday xaalad deg deg ah, islamarkaana sheegtay in xilligaan ay halis weyn ka jirto dalka.

WARARKA