Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Buundada Degmada Baardheere oo laga cabsi qabo in ay go’do.

Isniin, November-6- 2023-{HMC} Buundada Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa laga cabsi qabaa in ay go’do waxaana dareen feejignaan ah ka muujiyay dadka degmadaas oo muhiim u ah isu socodkeeda sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolkaas.

Fatahaadda Webiga Jubba ee mara Degmada Baardheere ayaa xaalad kale oo cabsi ah gelisay Dadka Degmadaas iyaga oo durba indhaha la raacaya marinkaan muhiimka u ah in ay uga gudbi karaan daanta kale si looga hortago halista ay wajahayaan.

Waxa ay Dadka Degmada Baardheere ay ka qaylo-dhaamiyeen in la sameeyo kahortag lagu badbaadinayo Buundadaan si aanay u dumin loona yareeyo welwelka ay ka qabaan saameynta ka dhalan karta waa sida ay hadalka u dhigeen.

Maamulka Gobolka Gedo iyo kan Degmada Baardheere ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo Doomaha qoriga lagu wado sabab la xiriirta halista ay kala kulmi karaan Daadadka rogmanaya ee ka dhashay fatahaadda Webiga iyo Roobabka Dayrta.

Doomaha matoorka leh ee awoodda u yeelan kara haddii halis ay la kulmaan in ay tagaan goobaha fog-fog ee ka badqaba halistaas ayaa keliya loo ogolaaday si loogu adeegsado howlihii ay hayeen doomahaas la joojiyay adeegsigooda.

WARARKA