Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Israa’iil oo sheegtay in laba qaybood u kala gooysay Qasa iyo Xamaas oo ka hadashay inta dhimashadu gaartay

Isniin, November-6- 2023-{HMC}  Israa’iil ayaa sheegtay in ay bilowday duqeyn ay ku qaadday waqooyiga Qasa, iyadoo wararka la helayo ay sheegayaan in dhawaqa qaraxyo xooggan laga maqlayo aagagga ay milatariga Israa’iil weerareen.

Ciidamada milatariga Israa’iil ayaa sheegay in magaalada Qasa ay “hareereeyeen” isla markaana ay laba u gala gooyeen.

Waxay intaas ku dareen in ciidamadu kaabiga ku hayaan xeebaha dhulka Falastiiniyiinta.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay sii wadayaan weerarada iyo howgallada dhulka ah ee Marinka Qasa iyo aaggaga ku dhow oo dhan.

Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay mamausho ayaa sheegtay in dhimashada Falastiiniyiinta ay hadda gaaraysoku dhawaad10,000 oo qof.

WARARKA