Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

DFS oo war Kaso Saartay dagaal dhex maray Ciidanka Danab & Ilaalada Madaxtooyada Hir-Shabeelle.

Axad, November-5- 2023-{HMC}  Baaritaanno lagu ogaanayo sababta keentay dagaal Magaalada Jowhar ku dhexmaray Ciidamada Kumaandooska ee Gaarka u tababaran ee DANAB & Ilaalada Madaxtooyada Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ka billowday Magaaladaas.

Sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan oo ku dhow shaqaaqadii ka dhacday Magaalada Jowhar waxaa xubno katirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay billaabeen baaris ku saabsan sidii ay u ogaan lahaayeen xogta dagaalkaas.

War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Taliska Ciidanka Xoogga & Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida lagu faray in sida ugu dhaqsiyaha badan ay usoo baaraan si loola xisaabtamo cidda qaadaneysa mas’uuliyadda wixii ka dhacay Jowhar.

WARARKA