Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciimanka Booliska Maamulka Somaliland oo baafinaya taleefan Iphone 11 ah

Arbaco, November -1- 2023 {HMC}  Ciidanka booliska Somaliland ayaa raadinaya qofkii lahaa taleefan ay sheegeen in uu baadi yahay.

Qoraal ay kusoo daabeceen barta ay ku leeyihiin Facebook ayey ku sheegeen in taleefanka lagusoo qabtay eedeysane ay ciidanku gacanta ku hayaan.

Qoraalka oo ah mid kooban ayaa ahaa sidan,”Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland garahaan Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargaysa waxa uu raadinayaa qofkii lahaa Mobile (iPhone 11Pro max ) ah oolagu qabtay eedaysaneBadri Xasan Gaas ina Sacda Axmed D/34 jira kaasi oo ciidanka boolisku kusooqabteen.Eedaysanihiina gacanta Ciidanka ayuu ku jira”.

Ciidanka ayaa sheegay in qofkii sheegta lahaanshaha moobilka laga doonayo caddaymo muujinaya in uu leeyahay, iyadoo loogu baaqay qofkii ay baadi ka maqantahay in uu xafiiska booqdo.

WARARKA