Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Tirada dhimashada carruurta ku dhimatay duqeymaha Israa’iil ee Daanta Galbeed korortay

Arbaco, November -1- 2023-{HMC} DAANTA GALBEED — Inkasta oo ku dhawaad maalin kasta ay ciidamada Israa’iil gudaha u galaan magaalooyinka Falastiiniyiinta si ay u xirxiraan dadka looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Xamaas, haddana rabshadaha ayaa kusii kordhayay Daanta Galbeed toddobaadyadii lasoo dhaafay.

Tan iyo 7-dii Oktoobar, ciidamada Israa’iil ayaa Daanta Galbeed ku dilay 120 qof. In badan oo ka mid ah dadka dhintay waxay ka tirsan yihiin kooxaha hubaysan ee ka hawlgala Daanta Galbeed, laakiin ku dhawaad 30% dhibanayaashu waxay ahaayeen carruur, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

WARARKA