Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Faah-faahinta Labo nin oo caawa lagu dilay bartamaha Magalada Dhuusamareeb

Talado , October -31- 2023-{HMC} Dabley hubeysan ayaa caawa magaalada Dhuusamareeb ku dilay labo nin oo ka mid ah ganacsatada magaaladaas.

Shiikh Xasan Diirshe cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed ayaa la sheegay in lagu dilay bartamaha magaalada Dhuusamareeb ka dib markii ay rasaas ku fureen rag hubeysan oo baxsaday.

Ganacsatadan ayaa la sheegay iney ka soo jeedaan magaalada Cadaado ee gobolka galgaduud, waxayna isku heyb yihiin Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor.

Dilkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo aano qabiil iyo dilal aargoosi ah oo maalmahanba u dhexeeyey beelaha walaalaha ah ee kala dega magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Waxaa sidoo kale falkan uu ku soo aadayaa xili dagaalo dhulka miyiga ah ku dhexmarayey maalmahan maleeshiyooyin labada beelood ku abtirsada, waxaana dagaaladaas ku dhintay dhowr qof oo labada dhinac ah.

Waxgarad iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa wada dedaalo nabadeed oo lagu qaboojinayo xiisadan colaadeed si loo joojiyo dagaalada iyo dilalka aargoosiga ah.

WARARKA