Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamada Puntland oo loogu Baaqay in ay Siyaasada ka dhawrsadaan.

Talado , October -31- 2023-{HMC} Dallada Mucaaradka oo Shir Garowe ku yeeshay ayaa ka digay waxa ay ugu yeereen Colaad uu hurinayo madaxweynaha wakhtigiisa Dastuuriga uu sii dhamaanayo.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ugu yeereen Ciidamada Puntland in aysan ku milmin Siyaasada isla markaana sidii lagu yaqaanay ay dhexdhexaad ahaadaan.

“Madaxweynaha Wakhtigiisu sii dhamaanayo waxa uu Colaado ka riday
Boosaaso, Galkacyo iyo Garowe isaga oo ku faanay kuna tilmaamay kuwa uu
Dowladnimada ku xoojinayay” ayaa lagu yiri War-Murtiyeedka Dallada.

Shacabka Puntland ayaa ku tilmaamay Khudbadii shalay ee Madaxweynaha
mid xambaarsanayd Colaad, kicin iyo iska horkeenka dadka reer Puntland.

Cabdinuur Gees oo ah Cilmi baare iyo macalin jaamacadaha gudaha
Puntland isla markaana kamid ah Ardayda Puntland ee deeqda waxbarasho
shahaadada heerka koowaad kaga qaatay dalka Itoobiya ayaa ku sifeeyay
hadalka Deni” Hadalkii goodigga ahaa ee madaxweynuhu shalay jeediyay,
waa mid argagax ku abuuraya dadkii rajada ka qabay Xasiloonida iyo Dimuqraadiyada Puntland”.

WARARKA