Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweynaha Puntland oo Shuruudo ku xiray mashaariicda Puntland laga fulinayo

Khamiis , October -26- 2023-{HMC}  Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, dhameystirka fariisinta Goleyaasha deegaanka degmooyinka Puntland, Mashaariicda Horumarinta Puntland iyo qodob kale.

Madaxweynaha Puntland, ayaa wuxuu faray dhammaan golaha wasiirada in mashaariicda horumarinta ee laga fuliyo Puntland, la waafijiyo siyaasadda Maamulka, Qorshaha horumarinta 5-ta sano ee Puntland iyo Mabaadiida aasaasiga ah ee ay tahay in Mashaariicda horumarintu buuxiso si Puntland looga fuliyo kuwaasi oo kala ah: –

1- Mashruuca horumarinta ee Puntland laga fulinayo waa in Puntland laga maamulo {PCU}

2- Qoondada Puntland ee Mashruuca waa in ay ku caddahay heshiiska fulinta

3- Maamulka iibka (procurement) mashruuca waa in ay masuul ka yihiin Maamulka mashruuca ee Puntland

4- Hantidhawraha Guud ee Puntland waa inuu masuul ka yahay mashruuc kasta ee ka fulaya Puntland

5- Lacagta mashruuc kasta waa in lagu maamulo khasnadda mideysan ee Puntland {TSA} iyada oo la isticmaalayo Bangiga Puntland.

Lacgtuna toos ugu soo dhacdo {Fund Flow}.

WARARKA