Arbaco , October -25- 2023-{HMC} Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Xamaas aysan ahayn Argagixiso balse ay tahay koox xoreyn oo dagaal ugu jirta sidii ay dalkooda u xoreyn laheyd.
Erdogan ayaa sidoo kale sheegay inuu joojiyay qorshe uu ku booqan lahaa Israaโiil taasoo qeyb ka ah siyaasadda dalkiisa ee ah inuu caadi ka dhigo xiriirka uu la leeyahay maamulka Yahuudda.
Waxa uu sheegay in raโiisul wasaaraha Israaโiil Benjamin Netanyahu uu โsi khaldan u isticmaalay awood Milateri uuna weerarkii Xamaas ku qaaday Israel marmarsiiyo uga dhigtay inuu geysto xasuuq bareer ah.
โXamas ma aha urur argagixiso, waa koox u dagalameysa xoriyada dhulkooda iyo dadkeeda,โ ayuu yiri hogaamiyaha Turkiga.
Mareykanka iyo dalalka la xulafada ah ayaa Xamaas ku daray liiska kooxaha ay ugu yeeraan argagixisada.
Madaxweyne Erdogan oo lagu tiriyo hogaamiyeyaasha dalalka islaamka ee sida weyn uga hor yimaada siyaasadaha reer galbeedka ayaa lagu dhaleeceeyey inuusan wax ku filan ka qaban dhibaatada iyo xasuuqa ay israel ka wado Gaza.