Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xamsa Cabdi Barre, oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Arbaca , October -25- 2023-{HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson.

Kulanka Wasiirka koowaad ee Xukuumadda iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxa ay wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Danjire Johansson ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageeradooda Soomaaliya, iyada oo intaa raacisay in xilligan Midowga Yurub kaalin muhiim ah ka qaadan doono barnaamijka xasillinta deegaannada laga qabsaday Al-Shabaab.

Johansson oo dhawaan loo soo magacaabay Safiirka Midowga Yurub September 18, 2023 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb ku sugnaa xilligaas ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay.

WARARKA