Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Askari booliis ah oo Lagu Dilay Magaalada Hargeysa.

Talado, October -24- 2023-{HMC}  Wiil dhallinyaro ah ayuu askari booliis ahi xalay ku toogtay xaafada Badacas ee magaalada Hargaysa.

Mustafe Abees oo ay walaalo ahaayeen Abwaanka ku caanbaxay mucaaradada xukuumada Madaxweyne Biixi, ee Cabdiraxmaan Abees ayuu xalay askari ku toogtay magaalada Hargaysa, isagoo dhaawac kasoo gaadhay xabada uu saacado kadib u geeriyooday.

“Hadda ayaa nin askari ahi walaalkay Mustafe Abees uu xabad kaga dhuftay wadnaha hoostiisa” Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaa sida bartiisa Facebook ku baahiyay. “Walaalkay waa geeriyooday, Ilaahay ha u naxariisto, ayuu saacado kadib markale bogiisa ku baahiyay Abwaan Abees.

Sida uu sheegay maayarkii hore ee magaalada Hargaysa Cabdiraxmaan Caydiid Soltelco, askariga dilka gaystay oo baxsaday xalay, ayaa saaka ay ciidamada booliisku ku guulaysteen in ay gacanta kusoo dhigaan.

Ilaa hada lama oga sababta keentay in askarigu dilka u gaysto Abees, walina xukuumada iyo laamaha amaanku kama hadal dilka.

WARARKA