Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo kulan la yeeshay Safiirka Shiinaha

Talado, October -24- 2023-{HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Fei Shengchao.

Kulanka guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dal gaar ahaan gargaarka bini’aadannimo, iyada oo xilligaan la cabsi qabo khatarta El Niño

Guddoomiyaha SoDMA ayaa uga mahad-celiyey dowladda Shiinaha kaalintooda wax ku-oolka ah ee ay ka gaysanayaan wax ka qabashada mushkiladda abaaraha, fatahaadaha iyo guud ahaan musiibooyinka bani’aadannimo ee dalkeenna ka jira.

Hay’adda SoDMA ayaa hormuud u ah dadaalllada loogu diyaar garoobayo cimillada El-nino oo laga yaabo in ay saameeyso dadka ku noola Magaalooyinka dhaca xeebaha iyo wabiyada, iyada oo todobaadkaan ay fataheen Wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

WARARKA