Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Kooxda Xamaas oo sheegtay inay iska caabiyeen ciidamada Israa’iil oo isku dayey inay kasoo gudbaan xadka Qaza

Axad , October -22- 2023-{HMC}  Guutada Qassam, garabka militariga ee Xamaas, ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar dhulka ah oo ay Israel ku soo qaaday meel u dhow magaalada Khan Younis ee marinka Qaza, iyagoo ciidamada Israa’iil ka burburiyay taangi iyo laba cagaf-cagaf.

War qoraal ah oo lagu soo qoray barta fariimaha Telegram-ka, ee guutada Qassam waxay ku sheegtay “mujaahidiintayada ayaa ka hor tagay ciidamada Israa’iil oo weerar gaadmo ah oo si wanaagsan loo qorsheeyay ka fulinayey bariga Khan Yunis, wax yar uun ka dib markii ay ka soo gudbeen xadka dhawr mitir”.

“Dagaalyahanadu waxay si geesinimo leh ula dagaallameen xoogagii soo galay… waxayna si nabad ah ugu laabteen saldhigyadoodii,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Weli wax beenin ah kamasoo yeerin dhanka Israa’iil.

WARARKA