Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

DFS & Hir-Shabeelle oo Wado Howlgallo dib logu furayo waddooyin muhiim ah

Axad , October -22- 2023-{HMC} Howlgallo dib loogu furayo waddooyin muhiim u ah isu socodka deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ka socda deegaanka Cali Fooldheere si Dadka ay u helaan marinnada fudud ay isaga kala gudbi karaan.

Shacabka ku sugan deegaanka Ciid-Ciidka Jimbilow ayaa sheegay in waddooyin muhiim u ahaa si ay u tagaan deegaannada kale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ay ka xirnaayeen maalmihii u dambeeyay balse hadda laga billaabay howlo lagu dib loogu furayo.

Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle iyo Dadka Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa saldhigyo ka sameystay deegaanno dhowr ah si ay u ilaaliyaan isu socodka waddooyinka muhiimka ah.

Qaar kamid ah Dadka Deegaanka ayaa sheegay in waqti badan ay isaga kala gudbayeen Deegaanno isku dhow maadaama ay xirnaayeen jidadka haatan laga billaabay howlgallada dib loogu furayo waddooyinkaas.

Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa sheegtay in ay xoogga saartay howlgallada ka dhan ah ‘AS’ ee ka socda deegaannada dhaca Jiinka Webiga oo ay isugu tageen ‘AS’ si halkaasi looga qabsadana la kordhiyay ciidamada hareereeyay waa sida hadalka loo dhigay.

WARARKA