Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Guddoomiye Aadan Maxamed Madoobe oo uu ambabaxay dalka Mareykanka

Sabti , October -21- 2023-{HMC}  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gelinkii dambe u ambabaxay magalada Washington DC ee dalka Mareykanka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxda Aqalka Golaha Wakiilada ee dalka Mareykanka sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay golaha shacabka.

Waxay kawada hadli doonaan arrimaha horumarinta Baarlamanka Soomaaliya, iyo iskaashiga labada Baarlamaan ee Mareykanka iyo Soomaaliya” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Aadan Madoobe ayaa waxaa ku wehliya safarkiisa xubno ka tirsan golaha shacabka Somalia iyo masuuliyiin kale.

Inta ay joogaan dalka Mareykanka ayaa wafdiga Aadan Madoobe waxay sidoo kale kulamo la yeelan doonaan Jaaliyada Soomaalida ee ku nool dalkaas oo ay kaga warbixinayaan xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo dedaalada ay wado dowlada ee dhinacyada amaanka, la dagaalanka Al-shabaab, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo arrimo kale.

WARARKA