Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xamaas oo sii deysay maxaabiis ay ka afduubteen Israa’iil

Sabti , October -21- 2023-{HMC}  Judith Raanan iyo gabadheeda Natalie ayaa laga sii daayay Gaza sida ay shaaciyeen masuuliyiinta Israa’iil.

Hooyadaan iyo gabadheeda ayaa intaan la afduuban ka hor booqasho ku tagay Nahal Oz kibbutz oo ay degan yihiin qaraabadooda, iyaga halkaas kula kulmay weerarkii Xamaas ee dhacay 7 dii bishaan October.

Qoyska labadaan ruux ayaa muujiyay sida ayugu faraxsan yihiin sii deyntooda.

Arrintaan ayaa imaaneysa xilli Xamaas ay soo bandhigtay dalab ah in Gaza laga qaado cuna qabateynta taas badalkeedana ay maxaabiis sii deynayso.

WARARKA