Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maryan Mursal oo ku dhawaaqday inay fanka isaga baxday

Sabti , October -21- 2023-{HMC}  Fanaanadda caanka ah ee Soomaaliyeed Maryan Mursal Ciise ayaa xalay ku dhawaaqday inay joojisay shaqadeedii fanaanimada.

Xilliga ay shaacisay hadalkaan ayay ku sugneyd munaasabad ka dhacaysay magaalada London ee caasimadda waddanka Ingiriiska – xafladda ayaa sioo kale abaal marin lagu gudoonsiiyay.

“Caawa Fankii ayaan joojiyay, ii soo duceeya in ilaaheey iga masaxo” ayay tiri, iyada oo dhinac taagan qoraaga Soomaaliyeed ee Siciid Saalax oo gudoonsiiyay abaal marinta.

Maryan waxay sheegtay in ilaaheey ay ka dalbaneyso inuu ka cafiyo danbigii ay ku jirtay ‘in kasta oo aan Soomaaliya wax u sheegayay’ ayay tiri.

WARARKA