Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka dowladda Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Sargaal katirsan AS

Jimco , October -20- 2023-{HMC}  Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Maamulka Galmudug iyo ciidamada deegaanka ee howlgallada ka wada deegaanno katirsan gobolka Mudug, ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay in uu katirsanaa saraakiisha kooxda Al Shabaab.

 

Ninkan oo lagu magacaabo Ismaaciil Aadan Maxamed ayaa lagu qabtay deegaanka Qoriley ee koofurta Gobolka Mudug, waxaana sargaalkan la sheegay in Al Shabaab u qaabilsanaa uruurinta lacagaha laga qaado shacabka degan Bacaaweyn.

 

 

Telefishinka dowladda ayaa baahiyay in ninkan ciidamada huwanta ah ay soo qabteen isaga oo dhuumaaleysi ku jiray, waxa ay sidoo kale sheegeen in ninkan xilligii la qabanayay uu qorsheenayay in ciidanka isku soo dhiibo.

 

Saraakiil iyo dagaalyahanno kale katirsanaa kooxda Al Shabaab kuna sugnaa qeybo kamid ah gobolka Mudug ayaa muddooyinkii dambe isku soo dhiibay ciidanka huwanta ah, waxaa sidoo kale jira kuwa kale oo howlgallo lagu soo qabtay.

WARARKA